Daraasadda Baahida wadajirka ah ee Soomaaliya iyo barnaamijka Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Warbixinta Kooxaynta Arrimaha Bulshada iyo Badbaadinta Dadka taagta daran ama Tabaalaysan June 14 2006 Qoraalka Guud ee qabyada ah – Ad-1915PM UNDG World Bank I. Dulmar kooban Hordhaca iyo hab-raacyada Diyaarinta Warbixinta a. Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu ka bilowday burburkii waqooyi- galbeed 1988kii , taas oo soo dedejisay burburkii hay’adihii dhexe ee dawladda iyo burbur guud oo ku baahay kaabayaashii dhaqaalaha dalka oo dhan min 1991. Taasi oo maxsuulka natiijadeedii noqotay inay si weyn u baaba’aan dhamaan adeegyadii bulshada ee ay ka midka ahaayeen caafimaadka, waxbarashada, biyaha, faya-dhawrka, cuntada iyo nafaqaynta oo dabar-go’ay ama dayacmay. Dad aad u fara badan oo xirfadlayaal iyo shakhsiyaad aqoonyahanno ah ayaa dalka ka qaxay , iyadoo arrintaasi ay sii xumaysay tayadii adeegyadii bulshada ay dalka ka fulin jireen. b. Iyadoo ay xaaladani jirto, ayaa hadda qaar ka mid ah adeegyada bulshadu ay weli socdaan. Nabadgalyada ka jirta awgeed waqooyi-galbeed, Somaliland, iyo Puntland, ayaa saamaxaysa dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta, taas oo ay gacan weyn ka gaysteen doorka muhiimka ah ay horseedka ah ee yihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku dhaqan, kuwa oo maalgelinta waaxyad ganacsiga gaarka iyo taageerada beesha caalamkuba ay ka hawlgalaan. Hawlgallada haatan ay dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah (TFG) ay ka waddo Koonfurta soomaaliya ayaa iyaduna noqotay fursad ugub ah oo u soo hoyatay Dib-u-dhiska iyo dib-u-soo-kabashada goobaha ay dagaallada sokeeye waxyeeleeyeen ee Soomaaliya, iayadoo lagu hawlan yahay qaab-dhsimeedyada lagama maarmaanka ah si loogu fidiyo adeegyada asaasiga ee goballada go’doonka noqday ee ay saamayyeen saboolnimada iyo dib u dhaca la soo gudboonaaday. Tani waa hadafka ay hay’adda JNA ee ay hawlgalladeeda ugu jahayasay arrintan iyada ah, iyadoo si weyn loo rumaysan yahay iinay mustaqbal wanaagasan u muuqdo dadka Soomaaliyeed. c. Waaxda adeegyada bulshada ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya waxaa soo foodsaaray arrimo fara badan iyo caqabado la xiriira sidii ay ku heli lahaayeen bahida asaasiga ah ee adeegyada ay u baayhan yihiin. Kuwaas oo loo baahan yahay in si degdeg ah loo wejeho. Inkastoo ay jiraan hindisayaashaas ay wadaan hay’adaha Q.M. hay’adaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn(NGO’s) iyo jaaliyadaha maxalliga ah ee goobahaas ka hawlgala, daboolitaanka iyo xirfadaha tayeysan oo aad u hooseeya. Dhinaca waxbarashada, tusaale ahaan, ku biiritaanka ardayda dugsiyadu waa tan ugu liidata Afrika. Waxayna ka yartahay 22% oo da’da carruurta dugsiyada waxbarashada tegaya, iyadoo seddex meelood meel ahaan ay ardaydu gabdho yihiin. Xaddiga Ardayda ka saaqidda dugsiyada ayaa aad u sarraysa, islamarkaana ma jiro Manhaj midaysan dhammaan heererka kala duwan ee waxbarashada koonfurta iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxaana jira horumar laga sameeeyey Somaliland iyo Puntland , laakiin dugsiyadu ma laha ilaha muhiimka ah ee laga tixraaco iyo qalab ba. Waxaa kaloo jira macallimiin fara badan oo aan tababarnayn , islamarkaana wax horumar ah laga ma gaadhin dhinaca sharci ahaanta shahaadooyinka waxbarashada laga qaato. d. Hay’adaha islaamiga ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaata adeegyada waxbarashada iyadoo ay jaaliyadaha dibaddu ay si weyn u maalgeliyaan horumarinta dhammaan waaxyaha adeegyada kala duwan. Hay’ado fara badan oo isugu jira kuwo maxalli ah ama deegaan iyo hay’adaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (INGO’s) ayaa iyaguna ku hawlan adeegyad daryeelka caafimaadka iyadoo ay bulshada ka kaalmeeyaan ama ka taageeraan dhinacyada biyo gelinta iyo faya-dhawrka. Waxaana ka mid ah deeq-bixiyayaasha ugu muhiimsan ee sida xooga u maalgeliya horumarinta adeegyada ; midowga yurub(EU), Santuukha Horumarinta reer Yurub(EDF), Santuukha Horumarinta Afrika(ADF), Bankiga Adduunka(WB), iyo Santuukha Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha(IFAD), Bangiga Horumarinat islaamka (IDB) iyo hay’adaha kale sida: UNICEF, UNDP, WFP, FAO, WHO, hay’adaha aan dawliga ahayn(NGOs), iyo hay’ado kala duwan. e. Adegyada bulshadu waxay u bahan yihiin in si siman loo gaarsiiyo dhammaan waaxyaha dadweynaha, laba-daraadle, dadka tabaalaysan ama taagta daran iyo kooxaha bulshada ee la gacan bidixeeyey marka loo eego bulshada reer miyiga a iyo reer magaalkaba. Fulinta dhinaca adeegyada bulshada ee ku wejahwan waaxda gaarka ah waxay culays lixaad leh ku haysa dadka saboolka ah. f. Tilmaamayaasha dhinaca bulshada ee haweenka waxay si joogto ah uga dambeeyaan kuwa raga. Heerka wax-qoris la’aanta dadka waaweyn ayaa lagu qiyaasaaa 27% dheddigoodka marka la barbar-dhigo labka oo gaaraysa ilaa 50% . tirada ama xaddiga guud ee ku biiritaanka ee gabdhuhhu waa 15% marka la barbar-dhigo wiilasha ilaa 27%. Tira-koobka kaalinta haweenku ay ka qaatan dhinaca kobcinta dhaqaalaha ayaa la liidaa ama hoos loo dhigay, taas oo ah arrin muhiim ah in la xuso, laba- daraadle, dhinaca beeraha, badbaada cuntada, iyo waaxyaha dadban ee ama an rasmiga ahayn. Hagaajinta xaaladaha haweenka ee heerkasta waa siyaasad muhiim ah oo ku xusan hadafka JNA; waxayna ku hawlan tahay in tixgelin gaar ahaaneed la siiyo fursadaha lagama marmaanka u ah nolosha si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyada ku wejahan dhinaca waxbarashada, daryeelka caafimaadka hooyada, iyo kala dheeraynta dhalmada, iyadoo sare loo qaadayo tayada iyo tas-hiiladka ay u baahan yihiin. g. Xitaa soomaaliya waxaa soo food-saaray dhibatooyin kale oo bulsheed, kuwaas oo wiiqaya ama hoos u dhigaya horumarinta iyo baahida la xiriirta sidii feejignaan deg-deg ah loo siin lahaa arrimahaas . kuwaasna waxaa ka mid ah Cururka HIV/AIDS, Gudniinka Fircooniga ah ee Dheddigga (FGM) iyo cunitaanka qaadka (waa geed mukhaadaraad ah, kaas oo waddamada qaarkood looga aqoonsaday mukhaadarad sharci darro ah). h. Gudniinka Fircooniga ah ee haweenka (FGM) wuxuu si qoto dheer ugu raagay dhaqanka Soomaalida. Hay’ado fara badaan ayaa ka shaqeeya heer qaran ilaa heer gobol, hase yeeshee, waa ay xaddidan yihiin guulaha la xiriira ciribtirka FGM-ka ilaa hadda lagu tallaabsaday marka loo eego dadaallada heer bulsho. Farriimaha FGM-ka waxay u baahan yihiin in lagu daro hay’adaha caafimaadka iyo manhajka waxbarashada dugsiyada. Isku xirka barnamijyada iyo farriimaha waxbarashada dadweynaha ayaa iuaguna u baahan in la horumariyo. Waxa jira baaqyo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah oo laga soo saaray Puntland; laakiin marka la eego halkaasi kama jiraan siyaasad, tilmaamo ama shuruuc la xiriirta FGM-ka. i. Cunista Qaadka waa qoon/dhaawac iyo waxyeelo culus oo saamaysay dhinacayada bulshada iyo dhaqaalaha. Waxaana isticmaalka maalinlaha uu sababaa dhibaatooyinka dhaqaale-bulsheed iyo dhibaayoon la xiriira dhinaca caafimaadka kuwaas oo caqabad ku noqday horumarka mustaqbalka la higsanayo. Barnaamijyada hoos-u-dhigidda dareen dhaqameedka, ayaa bartilmaameedkiisu ku wejahan yahay dhallinyarada labka ah, iaydoo loo abuurayo fursado lagu jahaynayo dhinaca ciyaaraha Isboortiga iyo ka qaybgalka hawlaha bulshada iyasdoo loo damaanad qaadayo saacadaha shaqaada ee dawladda iyo hay’adaha dawladda ayaa waxay tahay mid xasaasi ah in loo muujiyo ama laga dhaadhiciyo dhiabaatooyinka uu leeyahay iyo inuu dalka u gaysto khasaare gaaraya ilaa boqolaal milyan oo doolarka maraykanka ah sannad kasta. j. Hawlgallada adeegyada bulshada ayaa u baahan siyaasado ku habboon, maaliyadda iyoo qawaaninnta la xiriirta sidii loogu dejin lahaa maarayn waaxda adeegyada. Waxay kaloo u baahan tahay in la siiyo dhaqaalo dhiirigelineed oo ku habboon, loona fidiyo tababarro xirfadeed, barnaamijyada isku-dheelitirka dheddig-laboodka, iyo hannaanka lahaanshaha rasmiga ah ee hawlgallada bulshada ku salaysan. k. Hay’adda iyo maaraynta nidaamka adeegyada bulshada Somaliland iyo Puntland waxay u baahn yihiin in la taabageliyo , sida loo sameeyey dhawaan qaab-dhismeedka hase yeeshe waxa jira shaqaale yarida iyo maal-gelinta oo aad u hoosaysa awgeed. Horumarinta iyo taabagelinta adeegyada dhinaca koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ku tiirsan ama ku xidhan deeq-bixiyayaasha iyo kuwa gacanta ee siiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo aqoonta la xiriirta siyaasadda meel-marinta hawlgallada ee dawladda cusub ay u bahan in la abuuro islamrkaana la horumariyo. l. Waaxda caafimaadka ee ku hawlan meel-marinta adeegyada caafimaadka asaasiga ah waxay ku wejahnaan doonaan baahida haweenka iyo carruurta iyadoo la ballaarinayo daryeelka iyo ka hortagga iyo barnaamijyada sare loogu qaadayo heerka nolosha bulshada. Qoondaynta qorshaha miisaaniyadda waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada, iyadoo loogu danaynayo adeegyada heerka waxbarashada dugsiyada hoose dhexe ee ay qaadanayaan in ka badan 45 boqolkiiba wadarta guud ee laga filayo miisaaniyadda waaxda waxbarashada iyo qorshayaasha cisbitaallada dayactirkooda oo lagu qiyaasay ilaa 35 boqolkiiba kharajrad ku baxa dhinaca caafimaadka. Hawlgallada biyaha laga cabbo goobaha magaalada ayaa lagu wadaa, sida bilowgii hore lagu tilmaamay dhaqaalaha dib-usoo-kabashashada ku salaysan. Dawladaha hoose ayaa dhiirigelin doona sidii ay ky taageeri lahaayeen maalgelinta hore ee la samaynayo. m. Hawlgallada adeegyadaas iyo ganacsiga ayaa haatan ku jira gacanta waaxda gaarka ah. Waxaa jira maalgelin lixaad leh oo la xiriirta ganacsiga gaarka ah iyo suuqgaynta, kala wareejinta lacagaha, is-gaarsiinta, shirkadaha diyaaradaha iyo adeegyada kale sida; dhismayaasha iyo hoteellada, waxbarashada, caafimaadkaiyo qalabka kalluumaysiga, dhammaan waxaa si baahasan loogu maalgeliyaa lacagaha la soo xawilo n. Waxaa lagu talinayaa si sare loogu qaado ka qaybgalka taageerada bulshada ee dhinaca hawlaga adeegyada dhinaca maamulka iyo maamaryanta la xiriira. Waxaa la tilmaamaya in hay’adaha dawladda ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo qiyaas aad u yar tan Soamliland iyo Puntland in yar dhaamaan, mana noqon karaan kuwa qura ama keliaya ee fuliya adeegyadaas asaasiga ah ee bulshada, haddii ay doonayan inay meel mariyaan heerarka la iska doonayo ma la hirgalinayo ee lagu daboolayo iyo fursdadaha lagu garai akro arrimaahaasba. o. Warbixintu waxay dhiirigelinaysaa horumarinta guud ee laga sameeyey hawlgallada dawladaha hoose ee ay la wadaagaan culumaa’udiinka iyo hay’adaha bini’aadminimada, hay’adaha aan dawliga ahayn(NGO’S) waaxda gaarka ah, iyo sidoo kale, ka qaybgalka bulshada hawlagallada adeegyada qorshaynta bulshada iyo ka hirgelinta gooba ay ka midka yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo biya-gelinta miyiga.  Maamullada waa inay horuamriyaan xirfadaha ka qaybgalinta bulshada go’aan qaadashada dawladaha hoose iyo maaraynta adeegyada, iaydoo la sii horumarinayo ama lagu horumarinayo waaxda maamul wanaagga. Tani waxay qeexaysaa mas’uuliyadda maalgelinta iyo meel marinta ama hirgelintan go’aannada heer bulsho ee dhinacyada dugsiyada waxbarashada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka la xiriira. Ka hor Arrimaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah:  Sahan iyo faafinta la la xiriirta tirada dadweynaha , iyadoo lagu qeexayo waqxqabadka dhinaca sharciga iyo siyaasadda:  In la dhiso qaab-hawleedka hay’adaha sidii loogu helilahaa hannaan adeegyo qorshe iyo jaangooyo ku salayasan  Bartilmaameedyada hawlagallada asaasiga ah ee la higsanayo iyadoo khad kasta loo sameynayo qaybo u gaar ah ama wasarado qaabilsan waaaxyaha muhiimka ah( waxbarashada, caafimadka iyo garsoorka)  In la dhiso qaab-dhismeedka lagu xiriirin karo hannanka ka qaybgalka hawlagallada la hirgelinayo iyo la socoshada lalisyada qorsajhayaasha. p. Waxbixintu waxay sare u qaadaysaa abuuritaanka dhiirigelinta hay’adfaha hawlgallada wadaaga ee u dhexeeya dawladda iyo waaxda gaarka loo leeyahay, hay’adaha diiniga ah ama culimaa’udiinka, Q.M. B.A. Hay’adaha aan dawliga ahayn (NGOs) iyo bulshada qaybheeda kale. Caqabadaha waa in loo dhisaa qaabka la hawlgalayaasha wadajirka ah iyo xoojinta qaababka is-kaashiga dawladda iyo waaxyaha gaarka ah, si ay u meel mariyaan adeegyada guud ahaan dadweynuhu u baahan yihiin, laba daraadle dadka saboolka ah oo ay weheliyaan isku-dheelitirka dheddig- laboodka. La hawlgalayaasha guulaystay waxy si baaxad leh u kordhin doonaan sidii la isugu dheehi lahaa iyo guud ahaa hannanka awoodsiinta hirgelinta hawlahas. q. Dawladda iyo deeq-bixiyayaasha waa inay xoogga saaraan dhinaca maalgelinta, u baahan maal iyo farsamo ama sancada la xiriirta ee ku wejahan tubta loo raacayo oo ka durugsan agabka bulshadu heli karaan. Faragelinta dhabta ah waxay mudnaan siinteedu ku salaysan tahay iyadoo xitaa lala kaashanayo ama loo isticmaalayo labadaba meelmarinta iyo taabagelinta hawlaha la hirgeliyey. Qaabka guud marka laga eego, raadaynta faragelintan iyada ah waa inay ka jawaab-celisaa ama la mid noqotaa yoolasha Horumarinta Millenium-ka ee Q.M. r. Fara gelint ama ka hawlgalka barnaamijka hormarinta dib-u-soo kabashada(RDP) wuxuu taageero ka gaysan doonaa dadka iyo dawladda soomaaliyeed sidii ay ku xoojin lahayd geeddi-socodka nabadda iyo sidii u sii hinqin lahaayeen istaraatiijiyada ka hortagga , si loogu horseedo inay Soomaaliya noqoto dal nabad ah, islamarkaana mustaqbalka ku talaabsata horumar iyo barwaaqo. Qorshaha waxqabka: faragelinta ama ka hawlgalka warbixintan iyada ah waxay tilmaan ahan muujinaysaa tarjumad faahfaahsan ee qorshaha waxqabadka inta lagu jiro sannadka kowaad, iyadoo loo dejinayo jaangooyo dib loogu qeexayo mudnaanta, mas’uuliyadda iyo hanaanka farsamo ee la adeegsanayo. Qorshaha waxqabadku wuxuu tixgelin doonaa labadaba waxa lagama maarmaanka ah iyo si loo sii wado hawelgallada lagu xoojinayo dhinaca fulinta iyo habsamida shaqada waaxda khusaysa abaabullada socda iyo sibedellada hirgelinta taas oo la xiriirta hawlgallo xoog leh ee hay’adaha dawladda. Tilmaamaha mid kasta oo sharciyada la bedelayo ka mid ah aya loo tixgelinayaa inay lagama maarmaan yihiin si ay ku noqdaan is-bedello taabagal ah, iyadoo loo aqoonsan doono islamarkaana dib loo eegi doono in lagu daro labada arrimimood ee kala ah xoojinta ama awoodaynta dhismaha hawlagallada iydoo y suuragal tahay in la dhiso qaab-dhsimeedyo hay’ado kala duwan, sidoo kale, dayactirka iyo sare u qaadista xirfadha. Warbixintani waxaa loo qaadan karaa dib-u-eegis hore iyo isku-duwidda hawlgallada xilligan socda waqtiga hirgelita, tas oo xambarsan dib-u-eegis faahfaahsan isku- duwidda hay’adaha la dhisayo, oo ay ka mid yihiin hay’adaha, shaqaalaha heererka xirfadaha kala duwan hab-raacyada hawlagallada loo fulinayo, qaabka loo soo bandhigayo waxqabadka iyo maalgelinta. Hab-raacyada: si loo hanto baahida waaxda adeegyada bulshada ee gobollada kala duwan ee Soomaaliya waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqangeliyo tallaabooyin dhawr ah. Waxaana la dhaqangeliyey Tallaabooyinka tayada iyo tiradaba leh si loo qaabeeyo daraasaadka dhinaca baahida waaxda bulshada. Tani waxay ka kooban tahay waxyaabah soo socda: Dib-u-eegista qaab-qoraaleedka: waxaa sameeyey waaxyaha kala duwan sida: waxbarashada, tababarrada, caafimaadka, nafaqada, badbaadada cuntada, Gudniinka Firciiniga ahee haweenka, cudurka HIV/AIDS, badbaadinta kooxaha taagta daran ama tabaalaysan iyo Qaadka. Khaanadda dib-u- eegista xilligan ee qoraallada Soomaaliya waxaa looga ka hawlgalay dodo dhexmaray hay’adaha aan dawliga ahayn, Q.M. B.A. ee ku wejahan waaya- aragnimada mashaariicda laga hirgeliyey Koofurta iyo Bartamaha soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. Aqoon-is-weydaarsiyadii wada tashiga iyo furitaanka JNA: kulankii ugu horreeyey ee furitaanka hawl gallada waxaa lagu qabtay magaalada Nairobi min 23-26 November 2006 iyadoo ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday Puntland, iyo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxaana ka qaybgalayaasha ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha TFG, wasiirrada waxbarashada, caafimaadka iyo Amniga bulshada ee TFG iyo Puntland iyo kooxaha daneeya. Aqoon-is-weydaarsiyo wada tashiyeed ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar bishii December 2005 iyadoo Hargeisa lagu qabtay bishii January 2006. Wada tashiyadii hay’adaha hawlaha wadaaga: aqoon-is-weydarsiyo ay ka qaybgaleen hay’adaha hawlaha wadaaga ayaa lagu qabtay Somaliland iyo Puntland oo ku sabsanaa caafimaadka iyo RAAAP. Weydiimaha gudaha loo diray: si loo gaaro goobaha aan fursadaha loo helin arriimo nabadgelyo awgeed, ayna ula socdaan shaqaalaha caalamiga ah,waxaa la diyaariyey qoraallo weydiimo ah oo lagu caawinayo kooxaha JNA ee goballada. Kooxaha heer gobol ayaa booqday degmooyinka dhulka berriga ah ku yaal iyo goobaha xeebaha, iyadoo laga soo uruurinayey xogta asaasiga ah iyo arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh, gobollada iyo degmooyinka; arrimahan waxaa lagala tashaday qoraalada warbixinta kooxaynta. Daraasadda gudaha ee Soomaaliya: waraysiyo/ dood-wadaag aya la laga sameeyey goobaha magaalooyinka iyo miyiga ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, Puntland iyo somaliland. Kuwan waxaa ka mid ahaa shirarkii macallimiinta, ardayda, waalidiinta, haweenka, reer guuraaga ama reer miyiga, maamulka deegaanka iyo shakhsiyaadka waxbarashada u qaabilsan hay’adaha an dawliga ahayn. Qoraalkii koowaad ee warbixinta waxa la so saaray iyadoo ay gacan ka gaysteen min warbixin-hoosaadyada kooxaynta iyadoo laga qaybgalinayey mid kasta oo ka mid ah hay’adaha wadajirka u hawlgala. Warbixin- hoosaadyada kooxayntu, waxaa lagu kordhiyey xog dheeraad ah kaddib markii waaxda dib-u-eegistu ay booqdeen goobaha gudaha ee koofurta, iyo bartamaha Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. Tixgelinta la siinayey dhinaca nabadgelyada awgeedna, waxaa la xaddiday booqashooyinka tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn inay booqdaan shaqaalaha JNA-da, laakiin kooxda arrimaha bulkshadu waxay maaraysay inay booqdaan goobaha loo asteeyey ee deegaammo u jira ilaa 120km min tuulooyinkaas. Iyadoo u qaybsanayaasha farsamada ee aaggu ay booqashooyin ku kala bixiyeen dhul baaxad leh ilaa goobaha berriga iyo gobollada dhinaca xeebaha ku yaal, iyadoo lataliyayaasha JNA ay gaarsiiyeen natiijooyinka qoraallada weydiimaha la xiriira. Waxaana heshiisyada hawlgallada ka qaybgaliyey xeel-dheerayaashii hore iyo kuwa xilligan ee aqoonta u leh arrimaha farso si gacan gaystaan taabagalinta warbixintan. Hawlwadeennada Golaha isku xidhka kaalmada Soomaaliya (SACB) kooxeheeda dhinaca farsamada ayaa iyagana loo adeegsaday garsiinta xogta gaarkah ee waafaqsan warbixinta kooxaynta, iyadoo qaab gooni u taagan uu shakhsi kastaba uu u soo gudbinayey ilaa guddiyada isku-dhafan ee caafimaadka, biyaha iyo iyo waxbarashada. ka soo Kooxaha hawlgalladu, waxay soo bandhigeen xog wax ku ool ahn ee la xidhiidha wax qabadka ugu muhiimsan iyo hawlgallada ku wajahan dhinaca arrimaha khuseeya kooxayn hoosaadyada. Bangiga Adduunka ayaa warbixintan ku kordhiyey xogta la xiriirta muuqaalka guud ee caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan mashaariicda yar yar ee dhaqaale-bulsheedka dalka ee xilligan, iyo Qoraalllada Ururka Shaqaalaha Adduunka ee ku wajahan tababarrada farsamada gacanta.